W/Q : Khalid Mohamed Abdilaahi (KMC)
facebook sida aynu oganahay waa shabakad midaysa bulsho badan oo iskugu jirta rag , dumar, ciroole iyo caruurba,Hadaba waxa malinba malinta kadanbaysa sii badanay xadiga dad ee isticmaala shabakada facebookaga oo tiro ahaan imnka lagu qiyaaso ilaa trillions dada ah ........Iyadoo isticmaal ahaan anay ka maqanay dadkeenu aladan laydha waji buuga ama facebookga , markaad fiirsto dalkeen waxaad arakaya dhaliyaro badan oo wakhtigood ku khasaarinaysa ama ku luminaysa isticmalka mandooriyaha facebookga ,haa waxaynu odhan karanaa waa maandooriye iyo wakhti dooriye ka dar mandooriyasha qaadka iyo qabyalad ee badhkamida bulshada samaysay waxayaba aad ka argagaxayso waxa kamid ee waji buuga ku arakayso hablaheeni oo cawradoodi banakan so dhigaya ama xijaabki ka tagay iyo inamadeeni oo dhoor maydhan wada samaytay kuna luminaya wakhtigooda dawashada sawiratoodasi iyo ka sheekeenteeda .
Hadaba ma ogtahay nin inuu darata u noqdoy malqabeen daroogad uu kaa ibiyay awgeed aynu ka sheekenayno asal ahanatis shabakadan halakay ka timid
Fikirka asaasistaanka facebookgu ama.waji buugu waxa uu ka imid shan nin oo wada dhigan jiray jamacad kamida jamacada ugu caansan guud ahan dunida oo laydha jamacada Harvard university sannadii 2004 waxany kala ahaayen ......
1)Eduardo severin
2)Mark zuckerberg
3)Andrew McCollum
4)Dustin Moskovits
5)iyo chris Hugher
Waxanay ugu tala galeen kaliya inaay helaan .waxayaabo ay ku dhexe xidhiidhin karaan intoodan dhaliyarta aha eek u dhex nool gudaha jaamacadood oo marka u ahay boodhin ama hooy iyo goob waxa barasho labadaba taaso oo marki danbe websaydkani uu ku faafay jamacada dhexdeeda ilaa uu gaadhay koolajyada kale iyo jamacada kale ee dalka marykan iyo dalka kanada .
Sannadi 2006 bishi october waxa uu Mark ZUckerberg oo kamid ahaa 5 nin ee samayay fikiran ka sii anaba qaaday halki fikiran isaga oo ku bilaabay fikirkisa website kale oo jamacada dhexdis ka shaqaeey oo la odhan jiray Face mash kaaso laysa soo bar bar dhigi jiray sawirada dadka jamacada dhigta iyada la kala dooran jiray kooda quruxbadan iyo kooda fool xun halakaas oo codayn ka gali jireen dhaman dahaliyarata jamacadu , Islamarkaana Kaaso isku xidhay aradaydii dhigan jirtay jamacada ooo ka dhigay dad is waji yiqaan ,
Waxa soo wajahay caqabad badan ninka allada hada isticmalne waji buuga sameeya kazoo markii danbe fikirkiisa ka sii midha dhaliyay oo an ka hadhin sidii saxiibadisa kale wan aka maanat dhaliyar badan oo aynu kamid nahay ika dhigay inay isaguun isticmaalan oo maskaxada naafo ka noqodaan ilaa uu marki danbe sannad 2010 uu samaystay website u gooniya oo amnigiisu suganahay unala baxay waji boog ama facebook iyado wabsaydkii hore ee uu isticmaali jiray magaciisuna ahaa faceMash kasoo ka dheexyay jamacadood dhan uu ibsaday shaqsiyad kale kuna iibsaday lacag dhan 30,201 $
Kaaso uu Mark Zuckerberg uu soo shaciyay wabsaaydkisi Facebookga sanadi 2009 ilaa 2012 oo aya dadka isticmaalaya ay gaadhne tiro ahaan 300 oo milyon oo qof ilaa 1 bilyan,
Hadaba Imnaka nikan waa 32 jir waxaanu yaha qofka 5 aad ee dunid ugu taajirsan ama ugu lacagatabad iyado sananda soo socda lagu wado inuu noqodo qofka kowaad ee dunida ugu taajirsan
Hadaba Akhrista waxa is waydiin leh ninkan ma isaga ayaa wakhtigiisa ku khaamara si uu lacag u heli laaha mise dadka kale wakhtigooda ayuu ku khamaara siduu lacag uga samayn laaha? waxaynu nahay umad caado iyo dhaqan ka dhigatay inay wakhtigooda ku lumina Facebookaga ,whats app iyaga oo an waxa alla waxay ka faaidayn jirin lakin kaliya ay tahay inay wakhti lumis sawiro iyo maalayacni kale kaga jiraan waxayabaha ay daroogada facebookgu leedahay waxa kamida inay qofka ku rido samalayleey inuu qofku noqodo mid ka shaqeeya danaha dadka kale .
Waxaynu u soo kala.bartamayana xumanta walaladen kale , waxaynu noqonay dad cawradoodi ku aaminay shabkad yar oo nin gaali samaystay hadhawna waxa alla wixii.doono ka samayn karo ,
Aynu noqono dhalinyar ku xisaabtama wakhtigooda oo og in Alle waydiin doono wakhtigoodo iyo waxay ku qabaten………………….
Khalid Mohamed Abdilahi (KMC)
khaalidamiir@hotmail.com
No comments:
Post a Comment