Jacaylku
ma cudurbaaa ?? Q:2aad
Hadaba hadaybnu kaga soo sheekayn qaybteeni hore
jacaylku waxa uu yahay iyo inuu yahay dareen cadiifad ku dheehanatay aynu
isyara dul taagno qormadeenan manta jacaylaka iyo samaynata uu ku leeyahay
xubnaha ibnu aadamka ee muhiimka sida maskaxada ,jidhka,iyo xubno kalo badan ,
Aynu ku horreyno cinwaan hoosadkeena yar ee ah
Runtii bani aadmku waxa uu leeyahy maskax kaatooso alle
kaga fadilay noolaha kale wayo waxa uu ku kala kartaa waxa kasta oou xun
iyo waxa kasta oo u san naftiisa
waxa kale oo u stcmaal sahqooyin fara
badan ay ka mid yihiin fikirka ,hadalka ,fahanka
,xusuusta , iyo dareen qadashada
Hadaba hadaynu u nimaad qaybta dareen qadashada waxa ka
dhasha dareeno fara badan oo aynu u kal saarayno inay yihiin lab mid dareen fcn
iyo dareen xun tusaale aahaan
|
Dareena
wanagsan
|
Dareenada
aan wanagsanyn
|
|
·
Faraxad
|
·
Cadho,murugo,naxadin
|
|
·
Jacayl
|
·
Nacaayb
|
|
·
Dhiiranaan
|
Baqasho
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
Hadababa
dareenka jacaylku waa dareen leh laba waji kala ah waji fiican iyo ku xun niba iduu kus
oo maro
Hadaynu isla fahany intaas anu uga gudubno qodabkynu u
socanay ee ah maskaxada bani aadmka samayntu ku yeesho oo kala ah samayn taban
iyo tu togan .
Aynu isla eegno samynaha xun xun ee bina aadmka
makaxdiisa ku yeesho isago sameeya meelo badan oo maskaxda bani aadmka ka mida
waxan ka mida
Frontal Lobes (qaybta hore ee
maskaxada )
Qaybtan waxa ku guda jira ama ka horeya qayb laydhaa PRE FRONTAL CORTEX aynu ku yara
horeeyna shaqaday qabto qaybtan oo ah qaybaha ugu muhiimsan bani aadmka
maskaxdiisa waa qaybta qabilsan fikirka ,iyo
qorshanta
Hadaba marka uu qofka jacayl ku dhaco waa hubaal inuu
qofkasi ka fikiryo qofkii uu jeclaa fikirka oo qofk ku bata waxa uu sababa
qofku inuu noqodo mid mar walba baxasan oo
aan soo jeedin taasin qofka waxay ku sababi kartaa in atenshankiisu lu
mo oo u noqodo qof xitaa naftiisu halis ku gasho tusale ahaan qofku hadu
maskaxdiisu baxdo isagoo xalad halisa ku jira sida isago wadda ka talaabay
waxay sabib kartaa inuu shil galo waxan
dhacaysa qofkasi inaanu sidoo kale ka fakirin naftiisa oo uu ilaabo inuu
naftiisa daryeelo wayo waxa maskaxdiisaba qabstay qofka uu aadk u jeclaa .
Temporal Lobes annd Parietal Lobes (
qaybaha hareera am dhinacayad iyo qayba dusha ee maskaxda )
Qaybtan waxa ay qabilsantahy dhawr shaqo oo ay ka mid yihiin codka ,ama
hadalka iyo garashada waliba xusuusihii hore hadaba aynu dul istaagno xusuusta qoka waxay ku keeni
kartaa inuu xasuusto qofkan uu jeclayay
mar walban niyadiisa ku soo noqnoqoto taaso ku sababi karata inuu ilaawo ama
sii dayo xusuuso badan way maskaxdeenu waxa lagu celceliyo ayay aad u
xasuusataa lakiin waxa mar loo sheego way ilaawda wa ta kusababaysa inuu qofkani ku hadro
markuu hurdo magac qofka uu jecalyey waa ta keenays in marka uu qofkale soo
hadl qado markiiba xusuus dheer galo oo ka fikiro .
The
Limbic System (Thalamus, Hypothalamus,
Hippocampus. )
Qaybtan waa qaybta qaabilsan caadifada ,xasuusta
,cuntada ,hurdada ,waxaynu odhan karana jacaylku maadama uu yahay dareen
cadifad ku salaysan oo shucuurta qofka kiciya inay u tahay saldhig muhiima lakin
xilima ayay qof ku sabab kartaa dhibaato marka uu qofka shucuurtiisa
kacaday ay isku badasho shucuur murugo iyo war war fara badan keenata sida
qofkii oo waya qofkuu jeclaa ama qofkuba dan isaga ka lahayn
Sidoo kale .
Thalamus oo ka mida qaybata ayaa waxa uu qabilsanayey xasuusta oo qaybihii hore kaga soo
sheekayanay iyo qaybta laydhaa Hypothalamus oo ah qayb shaqooyin badan qabta
waxa inaga khuseeya hurdada iyo cunta oo qaf jacayl helay oo ku xumaaday
wayeyna qofkuu jeclaa jiif iyo joogba wuu diida hadaba wax jira qaybo kale oo
samayn uu kuleeeyahy jidha bani aadmaku
la soco qayba danbe………………….
✏ Qalinkii Qoraa Khaalid Moahmed Abdlilahi KMC
Hargaysa, somaliland
Phone number +252634079192

No comments:
Post a Comment